Skip to content
Du är här:

Somali/Soomaali

Halkan kusoo dhawaw! Ma ka welwelsantahay caadooyinkaaga xagga ciyaaraha? Laga yaabee in aad go’aansatay in aad caadooyinkaas beddeshid. Ama ma ka welwelsantahay cid xigtadaada ka mid ah?

Iyadoon loo eegeyn sida adiga xaaladdaadu u muuqato, waa caqli aad u wanaagsan in aad dooratay in aad wax dheeraad ah ka ogaatid sida aad horay ugu sii socon kartid!

Annagu haddii aanu nahay Khadka taageerada (Stödlinjen) waxaan adiga doonaya in aad caadooyinka ciyaarta beddeshid ku siineynaa talooyin iyo taageero. Waxay taasi tusaale ahaan ku saabsanaan doontaa waxa aad adiga naftirkaagu sameyn kartid si aad ciyaarta u joojisid, ama macluumaad ku aaddan meesha aad la xiriiri kartid si aad u heshid taageero xirfadeysan. Ka qaraabo ahaan waxaad heli kartaa talooyin ku aaddan sida aad u taageeri kartid qofka doonaya in uu joojiyo ciyaaridda, ama in aad ka hadashid xaaladdaada iyo waxa aad u baahantahay si aad wacnaan u dareentid. Si diirran ugu soo dhawaw in aad nala soo xiriirtid! Waxaan dadka u qabaneynaa turjumaanno luqado kala duduwan ah – na soo wac si aan wixi dheeraad ah kuugu sheegno.


Share article:


Last updated: 6/1/2023

Published: 6/1/2023